Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulamo looga soo horjeedo HESHIISKII Nairobi oo ka socda magaalada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Kulamo ka dhan ah madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo heshiiskii ka dhacay magaalada Nairobi, ayaa shalay si qarsoodi ah kaga socday caasimadda ku meel-gaarka ah Jubaland ee Kismaayo.

Axmed Madoobe) iyo qaar ka mid ah siyaasiyiintii kasoo horjeeday ee la baxay isbadal doonka Jubaland ayaa Khamiistii heshiis ku gaaray magaalada Nairobi kadib wada-hadallo muddo socday.

Heshiiskan, oo ay garwadeen ka ahayd dowladda Kenya, ayaa waxaa kala saxiixday madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, Cabdinaasir Seeraar Maax iyo xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig oo labaduba sheegeenayey madaxweynaha Jubaland, iyo Daahir Sheekh Axmed.

Si kastaba, xubnaha isbadal doonka ah ee Jubaland ee ku sugan ayaa kasoo horjeestay heshiiskan, ayaga oo qabtay kulamo looga tashanayo mustaqbalkooda.

Abwaan Xarago oo kamid ah golaha isbadal doonka Jubaland oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kadib kulamadooda ay soo saari doonaan qodobo la xiriira tallaabada xigta ee ay qaadi doonaan.

Xubnaha isbadal doonka ayaa waxaa ku jiro dad kasoo jeeda beelaha dega Jubbooyinka oo ka cabanaya in xuquuqdood la duudsiiyey, waxaana qaarkood ay u arkaan heshiiska ka dhacay Nairobi mid ay gaareen dad isku beel ah, oo xaaladda kasii Daraya.

Dadka xog-ogaalka u ah arrimahan ayaa horey uga digay in haddii Axmed Madoobe aanu la hadlin beelaha kale ee diidan in heshiiska Nairobi uu kasii dari karo xaaladda Jubaland, islamarkaana uu dhallin karo mucaarado kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this