Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaadaya Taliyaasha Booliiska iyo Militariga

Recommended Posts

Deeq A.   
Taliyaasha.png?w=1000&ssl=1Taliyaasha Booliiska iyo Militariga Soomaaliya

Ilo-wareedyo ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka gaabsaday in magacyadooda la xigto, ayaa Puntland Post u xaqiijiyay in uu socdo isbeddel madaxweyne Farmaajo ku samaynayo Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga Dalka.

Xogtu waxay sheegaysaa, in Madaxweyne Farmaajo uu xilka qaadis ku samaynayo Taliyaasha Ciidamada Booliiska iyo Militariga, si loo dardar geliyo Sugidda Amniga iyo Hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Gobollada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Gen Cabdi Xassan Maxamed Xijaar, oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Booliiska ayaa wararku sheegayaan in loo wado Safiirka Soomaaliya u fadhiya waddanka Sacuudiya Carabiya, halka Gen Odowaa aan weli la xaqiijin meesha loo magacaabi doono

Xogtu waxay intaas ku daraysaa, in Sarreeye Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo haatan ah Taliyaha Ciidanka Dhulka isna la filayo in loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, balse xogtu ma xusin cidda loo wado Taliyaha Ciidanka Booliiska.

PUNTLAND POST

The post Xog: Madaxweyne Farmaajo oo xilka ka qaadaya Taliyaasha Booliiska iyo Militariga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this