Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo amartay in Taraawiixda lagu oogo guriyaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo jeedisay in dadka ay guriyahooda ku oogaan Salaada Taraawiixda sababo ku aadan Coronavirus.

Baaqaan ayaa wuxuu kasoo baxay kulan ay Jimcada maanta ah yeesheen madaxda Wasaaradda iyo Culimadda Soomaaliyeed.

Cumar Faaruuq Sheekh Cabdicasiis, agaasimaha guud ee Wasaaradda kaasoo bayaanka kasoo baxay kulanka u akhriyey saxaafadda, ayaa sidoo kale ku baaqay in loo hogaan-samo bandowga Muqdisho.

Bandowga oo lasoo horumariyey ayaa bilaaban doona todoba fiidnimo wuxuuna ku eg-yahay shanta aroornimo ama subaxnimo.

Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa xaqiijisay 328 kiis oo ah Coronavirus, 16 dhimasho ah iyo lix qof oo ka caafimaadey cudurkaas dilaaga ah, sidda ku xusan qoraal kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this