Deeq A. Posted April 24, 2020 Gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada dagmada Kaxda ee gobolka Banaadir Cali Cadow Maxamuud oo u waramay Raadiyaha Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaalada dadka dan-yarta ee ku nool kaamamka barakacayaasha ee ku yaala dagmadaasi. Mr Cali ayaa sheegay in dadkaasi markii hore ay dhib ku ahayd nolosha maareynteeda, haddana ay ku dul-dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaan. Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu tilmaamay in ka maamul ahaan ay isha ku hayaan xaalada dadka dan-yarta, wuxuuna ugu baaqay dadka shacabka in ay dadkaasi masaakiinta ah afuriyaan oo kaalin ay ka qaataan Dhanka kale, gudoomiye ku xigeenka arimaha bulshada dagmada Laxda ee gobolka Banaadir ayaa digniin u diray dadka masoomayaasha ah iyo kuwa maqaayadaha u shida intaba, ka maamul ahaana ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan. Hadalka maamulka dagmada Kaxda ayaa kusoo aadaya xilli gudaha dagmadaasi ay ku sugan yihiin dad badan oo barakacayaal ah kuwaa oo haatan wajahaya xaalad adag oo dhanka nolosha ah maadaama la guda-galay bisha barakeysan ee Ramadaan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites