Sign in to follow this  
Deeq A.

Madasha Xisbiyada Muqdisho oo soo dhaweeyay dib u Heshiisiinta ka dhacday Galmudug iyo Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madasha Xisbiyada ka dhisan magaalada Muqdisho ee la baxay Xisbiyada Qaran, ayaa bogaadiyay Heshiisyada laga gaaray khilaafaadkii Siyaasadeed ee ka jiray Galmudug iyo Jubaland.

War-murtiyeed ka soo baxay Madasha Xisbiyada, ayaa loogu hambalyeeyay Heshiiskii Siyaasadeed ee ay gaareen madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasi oo lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorashadii ka dhacday Galmudug February 2020.

War-murtiyeedka Madasha, ayaa sidoo kale lagu bogaadiyay Heshiiska ay gaareen madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam iyo mucaaradkii ka horjeeday, Heshiiskaas oo lagu dhammeeyay khilaafaadkii ka dhashay doorashadii bishii Agoosto 2019 ka dhacday dowlad goboleedka Jubaland ee dib loogu doortay Axmed Madoobe.

Sidoo kale, Madashu waxay dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqday in ay ku dayato dadaallada dib u heshiisiinta ee ka socda gudaha dalka, islamarkaana ay la heshiiso dowlad goboleedyada muraacaradsan.

MADASHA-XISBIYADA.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madasha Xisbiyada Muqdisho oo soo dhaweeyay dib u Heshiisiinta ka dhacday Galmudug iyo Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this