Deeq A. Posted April 24, 2020 Labada degmo ee Howlwadaag iyo Kaaraan oo ku wada jira Groupka A, is araga 1-aad ee tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa caawa ku madlan barnaamijka tartan aqoobeedka Shabelle oo galaya habeenkiisa labaad, kadib marii xalay lagu daah-furay Wadajir iyo Dharkenley. Degmooyinkaan dariska ah oo galay bar-bar dhac ayaa soo bandhigay tartan aad u xiiso badan oo ay u riyaaqeen daawadayaasha TV-ga Shabelle iyo sidoo kale dhageystayaasha Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho, iyadoona caawa la sugayo tartanka xiisaha leh ee u dhexeeya degmooyinka Howlwadaag iyo Kaaraan. Tartamayaasha labada degmo oo ka wada tirsan gobolkaan Banaadir ayaa haatan wada diyaar garowgii ugu dambeeyey ee tartan aqooneedka faca weyn ee Shabelle. Howlwadaag iyo Kaaraan waa labo degmo oo magac iyo miisaan ku leh tartanka bisha barakeysan ee Ramadaan, balse la arki doonee degmada badisa ama guuleysata. Sanadkaan taaba-gelinta tartan aqooneedka Shabakadda Warbaahinta Shabelle waa dalada Somali Forex Association, halka su’aal diyaarintuna ay tahay Jaamacadda caalamiga ah ee Princeton International University ee magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites