Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo ka taagan magaalada Mandera

Recommended Posts

Deeq A.   

Xaalad cabsi ah ayaa mar kale kasoo cusboonaatey Mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya kadib dagaal duleedka magaaladaas ku dhexmaray ciidamadda Jubaland iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Iska hor-imaadka oo Arbacadii todobaadkan ka dhacay aaga loo yaqaano BP1 ayaa sababay khasaaro naf iyo maal si gaar ah waxyeelo soo gaarey xafiiska maaliyadda ismaamulka Mandera.

Wargeyska Daily Nation ayaa qoray in ciidamada Jubaland oo ay wehliyaan askar Kenyaan ah ay huriyeen colaada xilli ay socod roondo ah damacsanaayeen in ay ku hubiyaan dhaqdhaqaaqa magaalada.

Onesmus Kyatha, taliyaha booliska Mandera oo muujiyey sidda uu uga xun yahay waxa dhacay, ayaa ka gaabsaday in uu bixiyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan dagaalka iyo mowqifkooda.

“Waa wax naga careysiinaya balse waan eegi doonaa haddii ay sii socdaan. Ma ahan wax na quseeya, balse waxay ka dhacayaan dal kale,” ayuu hadalkiisa ku daray isagoo u waramay warbaahinta gudaha.

Kadib markii loogu awood-sheegtay dagaalkii ka dhacay Beledxaawo 2-da bishii lasoo dhaafay ee Maaj, ciidamada Jubaland ayaa saldhigyo ka sameystay tuulada Koromey oo dhacda duleedka Mandera.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay halkaas ka wadeen is-uruursi iyo abaabulka guluf ka dhan ah ciidamadda dowladda.

Ciidamadaan waxaa lasoo wariyey in uu hor-boodayo Cabdirashiid Janan, wasiirka amniga Jubaland, kaas oo Dowladda federaalka ay sheegtay in uu ka baxsaday xabsi ku yaala Muqdisho ayna ku raadjoogto.

Ma cadda goobta uu haatan ku sugan yahay Janan, balse muddooyinkii u dambeysay wuxuu joogay gudaha Kenya.

Isku-dhaca haatan soo cusboonaadey ayaa kusoo aadaya xilli dhinacyadda ay xoojiyeen abaabulka isla markaana xoojiyeen difaacyadooda, taas oo sarre u qaadey cabsida laga qabo dagaal kale iyo walwalka dadka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this