Deeq A. Posted April 24, 2020 Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo is-miidaamin ah oo Jimcadda maanta ah ka dhacay degaanka Embareeso oo 10 KM u jira magaaladda Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose. Maxamed Cali Yuusuf, ku xigeenka amniga iyo siyaasada Baraawe oo la hadlay Raadiyaha Shabelle, ayaa sheegay in ciidamadda xoogga iyo kuwa AMISOM ay fashiliyeen weeraradaas. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu ganafka ku dhuftay wararka sheegaya in madaafiic lagu weeraray Baraawe. Al-Shabaab ayuu ku eedeeyay in ay ka dambeysay wax uu ku sheegay dhagartaas. Dhanka kale, xarakada Al-Shabaab oo qaadatay mas’uuliyadda falalkaas ayaa xustay in ay khasaaro u geystay ciidamadda dowladda iyo AMISOM, wallow aysan shaacin tiradda rasmiga ah. Illaa iyo haatan ma cadda bartilmaameedka, balse waxaa loo maleynayaa garoonka cusub ee diyaaradaha Baraawe kaasoo bishii hore ee Maaj uu xariga ka jaray ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre. Baraawe oo ah xarunta rasmiga ah ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Al-Shabaab laga xoreeyay sanado kahor, hase ahaatee, waxay ku sugan yihiin nawaaxiga magaladda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites