Deeq A. Posted April 24, 2020 Garowe (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dhinacyadda Jubaland. Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in talaabadaas ay xoojineyso wadashaqeynta iyo horumarka guud ahaan waddanka. Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu rajeeyay in uu miradhali doono heshiiska oo uu ku tilmaamay mid yimid xiligii loo baahnaa. Hogaamiyaha oo sii hadlaya ayaa wuxuu soo jeediyey in wax kasta oo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee dowlada federaalka iyo Jubaland xal laga gaaro. Puntland ayaa kamid ahayd dhinacyaddii loogu mahadceliyey qoraalka heshiiska madaxweynaha Jubaland iyo golaha isbedel doonka Jubaland. Shalay ayay ahayd markii ay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya lagu saxiixay heshiiska oo lagu soo afjaray khilaafka iyo ismari-waaga siyaasadeed. View the full article Share this post Link to post Share on other sites