Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo bogaadiyey heshiiska dhinacyada Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garowe (SMN) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dhinacyadda Jubaland.

Deni oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in talaabadaas ay xoojineyso wadashaqeynta iyo horumarka guud ahaan waddanka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu rajeeyay in uu miradhali doono heshiiska oo uu ku tilmaamay mid yimid xiligii loo baahnaa.

Hogaamiyaha oo sii hadlaya ayaa wuxuu soo jeediyey in wax kasta oo ku aadan khilaafka siyaasadeed ee dowlada federaalka iyo Jubaland xal laga gaaro.

Puntland ayaa kamid ahayd dhinacyaddii loogu mahadceliyey qoraalka heshiiska madaxweynaha Jubaland iyo golaha isbedel doonka Jubaland.

Shalay ayay ahayd markii ay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya lagu saxiixay heshiiska oo lagu soo afjaray khilaafka iyo ismari-waaga siyaasadeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this