Deeq A. Posted April 24, 2020 Muqdisho (SMN) – Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hor-yimid qoondada ay ka heleen dumarka Golaha Wasiiradda cusub ee Galmudug. Batuulo Axmed Gabale, gudoomiyaha ururkaas, ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in 23 wasiir ay kaliya dumar ka yihiin laba qura. Iyaddoo hadalkeeda sii wadata, waxay sheegtay in maamulada dalka qaarkood aysan ixtiraam badan siinin fulinta qoondada haweenka. Hogaamiyeyaasha siyaasadda ayay cod dheer ugu boorisay in ay xoojiyaan kaalinta ay haweenka kaga qaadan karaan go’aanada siyaasadda Qaranka. Liiska wasiirada cusub ee Galmudug oo xalay lagu dhawaaqay waxaa haweenka ay ka heleen jagooyinka Wasaaradaha Haweenka iyo Qurba-joogta. View the full article Share this post Link to post Share on other sites