Deeq A. Posted April 24, 2020 Muqdisho (SMN) – Shariif Sheekh Axmed, gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran oo ay ku mideysan yihiin lix kamid ah xisbiyadda siyaasadeed ee dalka, ayaa soo dhaweeyay heshiiska dhinacyadda Jubaland. Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam iyo golaha isbedel doonka Jubaland ayaa shalay magaalada Nairobi ku saxiixdey heshiis ay kusoo afjarayaan khilaafka siyaasadeed ee muddo dheer ka dhaxeeyay. Isagoo muuqaal soo duubay, madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya ayaa rajeeyay in heshiiska uu noqdo miradhal. Ugu dambeyntii, wuxuu xoojiyey baahida loo qabo in wadahadal lagu dhameeyo arrimaha kale ee ka taagan waddanka. Sidoo kale, wuxuu u mahadceliyey cid kasta oo ajnabi iyo Soomaali ah oo heshiiska fududeysay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites