Deeq A. Posted April 24, 2020 Muqdisho (SMN) – Tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan oo sanad walba ay qabato Shabakada Warbaahinta Shabelle ayaa xalay si rasmi ah uga furmay xarunta dhexe ee SMN ee magaaladda Muqdisho. Degmooyinka deriska ah ee Wadajir iyo Dharkenley ayaa lagu daahfuray kulanka, iyaddoo natiijadda kulanka kasoo baxdey ay noqotay barbar dhac garbo siman. Dhibcooyin gaaraya min 14 ayay kala heleen. Kaaraan iyo Howlwadaag oo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa caawa isku fara saari doona tartanka. Shabakadda Warbaahinta Shabelle ayaa ah aas-aasaha tartan aqooneedka bisha barakeysan ee Ramadan, kaasoo ay haatan ka miin-guuriyeen qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho iyo guud ahaan dalka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites