Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS oo digniin culus u dirtay Masoomayaasha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin culus u diray Masoomayaasha.

Sheekh Nuur Maxamed Xasan, wasiirka wasaaradaas oo u waramay Raadiyaha Shabelle, ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono dadkaas.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in sidoo kale lala xisaabtami doono mulkiileyaasha maqaayadaha fura maalintii.

Digniintaan ayaa kusoo aadeysa xilli maanta ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo saameynta uu bandowga lasoo horumariyey ku yeelan karo Taraawiixda Soonka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this