Deeq A. Posted April 24, 2020 Muqdisho (SMN) – Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa digniin culus u diray Masoomayaasha. Sheekh Nuur Maxamed Xasan, wasiirka wasaaradaas oo u waramay Raadiyaha Shabelle, ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doono dadkaas. Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa carabka ku dhuftay in sidoo kale lala xisaabtami doono mulkiileyaasha maqaayadaha fura maalintii. Digniintaan ayaa kusoo aadeysa xilli maanta ay ku beegan tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan. Ugu dambeyntii, wasiirka ayaa ka gaabsaday in uu ka jawaabo saameynta uu bandowga lasoo horumariyey ku yeelan karo Taraawiixda Soonka. View the full article Share this post Link to post Share on other sites