Deeq A. Posted April 24, 2020 Kismaayo (SMN) – Senator Axmed Macalin Nadiir oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa naqdiyey heshiiskii dhexmaray Axmed Madoobe iyo Golaha isbedel doonka Jubbaland. Mr Nadiir oo wareysi siiyey Raadiyaha Shabelle ayaa tilmaamay in xubnaha heshiiska saxiixay aysan matalin Golaha isbedel doonka Jubaland. Golahaas ayuu hoosta ka xariiqay in ay yihiin dhamaan shacabka Jubaland oo uu xusay in aysan ku qanacsaneyn doorashadii Axmed Madoobe. Heshiiskaas lagu saxiixay caasimadda Kenya ee Nairobi ayuu carabka ku dhuftay in uu yahay khiyaano qaran, sidda uu hadalka u dhigay. Ugu dambeyntii, mowqifka dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ee doorashadii Axmed Madoobe ayuu carabka ku dhuftay in uu siddiisii yahay isla markaana uusan waxba iska bedeli doonin ayna aqoonsan doonin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites