Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo wada-hadallo la yeeshay Amiirka QATAR iyo GEELLE

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada-hadallo taleefon la yeeshay madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Amiirka dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia, madaxweyne Farmaajo iyo iyo Geelle ayaa iska xog wareystay hannaanka iskaashiga labada dal ee walaalaha ah ay ku wajahayaan xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Villa Somalia ayaa sheegtay in Farmaajo uu la wadaagay Dhiggiisa dalka Jabuuti in shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay la dareemayaan walaalahooda Jabuuti murugada iyo dhibaatada ka dhalatay daadadka ku fatahay dalkaas oo sababay khasaare naf iyo maalba ah.

Dhanka kale, madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu hambalyeeyey Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed bilshada bisha barakeysan, waxa uuna Alle uga rajeeyey nabad iyo barwaaqo waarta.

Sida lagu sheegay qoraalka Villa Somalia, Madaxweyne Farmaajo oo sidoo kale khadka taleefanka ay ku wada xiriireen Amiirka Dalka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani ayaa ka wada hadalay horumarinta iskaashiga iyo xiriirka labada dal, gaar ahaan dadaallada caalamiga ah ee lagu wajahayo xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay muhiimadda ay lee dahay mideynta dadaallada lagu xakameynayo faafidda cudurkan safmarka ah, isagoo soo bandhigay mudnaanta ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ku aaddan is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo gacan lagu siinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya tayeynta laamaha daryeelka caafimaad oo dagaal xooggan kula jira cudurka COVID-19.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this