Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay QORSHE waxbarasho oo ay ugu talo-gashay lixda bil ee soo socota

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay qorshe lagu yareynayo saamaynta cudurka COVID-19 uu ku yeelanayo waxbarashada dalka.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda waxbarashada ayaa lagu sheegay in qorshahaas oo lix bilood ah diirada lagu saari doono seddax ujeedooyin oo kala ah.

1- Sidii taageero dhanka wacyigelinta loo siin lahaa ardayda, macallimiinta iyo waalidiinta sidii ay uga hortagi lahaayeen faafida cudurka Coronavirus.

2- Sidii loo sii wadi lahaa adeegyada waxbarashada, iyada oo la adeegsanayo habka fogaan-dersiga waxbarashada iyo wixii kale ee taageero ah ee ay u baahan yihiin ardayda iyo macallimiinta inta dugsiyadu xiran yihiin.

3- Sidii looga shaqayn lahaa dib u furida goobaha waxbarashada marka laga baxo xaaladan, iyada oo laga shaqaynayo badqabka ardayda, macallimiinta iyo bulshada.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in fulinta ujeedooyinkan ay yareynayso khatarta cudurka COVID-19 ka soo wajihi karta habsami u socodka waxbarashada dalka.

“Diyaarinta qorshahan waxaa kala shaqeeyay wasaaradda, dhammaan bah-wadaagta waxbarashada Soomaaliya sidii uu u noqon lahaa salka qorshaha u diyaar-garowga iyo ka jawaabida saameynta cudurka ku keenay habsami u socodka waxbarshada dalka” ayaa lagu yiri.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu yiri, “Sidaas daraadeed, Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay ka codsanaysaa dhammaan bahwadaagta waxbarshada in ay ka qeyb qaataan fulinta qorshaha ee ay wasaaraddu ugu talagashay in ay kaga jawaabto saameynta uu Covid-19 ku yeeshay xagga waxbarashada”.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this