Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor Qoor oo shaaciyey liis gole wasiiro oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa soo saaray liiska golihiisa cusub ee wasiirrda oo ka kooban 23 xubnood, oo ay ku jiraan siyaasiyiin caan ah.

Liiskan waxaa ka soo muuqday Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, waxaana loo magacaabay wasiirka amniga Galmudug.

Sidoo kale Xildhibaan Saabir Nuur Shuuriye oo isna ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ayaa loo magacaabay wasiirka dekadaha iyo kalluumeysiga Galmudug.

Sidoo kale liiskan waxaa kasoo muuqday Axmed Shire Falagle oo kamid ahaa musharaxiintii xilka madaxweynaha kula tartantay Qoor-Qoor, waxaana loo magacaabay wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Galmudug.

Wasiirka Maaliyadda ayaa waxaa loo magacaabay Farxaan Cali Gaban oo horay Wasiirka Warfaafinta u soo noqday dowladdii KMG aheyd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Halkan hoose ka akhriso liiska oo dhameystiran

94568063_2899330600103949_55739627723974 94380133_2899330646770611_61384905679542

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this