Sign in to follow this  
Deeq A.

NISA oo dacwad kusoo oogtay Haaruun Macruuf

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Hay’adda Nabad-sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaacisay in ay dacwad kusoo oogtay wariye Haaruun Macruuf.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu caddeeyay in dacwadda loo gudbiyey Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

“NISA waxay u gudbisay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, gungaarka baarista Gal dacwadeedka Haruun Macruuf, si uu uga guto talaabooyinka sharciga ah ee ku habboon,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Bishaan April 4-teeda ayay ahayd markii NISA ay sheegtay in ay dacweyneyso Haaruuf maadaama uu leeyahay xiriir halis ku ah amniga Qaranka.

Haaruun Macruuf oo ah saxafi ka tirsan laanta Af Soomaaliga ee VOA-da ayaa nan wali ka jawaabin eedeymaha kaga timid mukhaabaraadka wadanka Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this