Deeq A. Posted April 23, 2020 Noocyadda Diiqada Ama Niyad Jabka W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar) Baryahan dambe waxa soo badanaaya cudurada nafsig ah kuwaas oo dadka mooraal ahaan ugu dhaca waxa jira dad badan oo dhibkani ku dhaco marka ay soo wajahaan duruufo nololeed. Waxaa jira dhowr sababood oo suurtagal ah oo keena niyad-jabka. Waxana ka mid ah taaiirkh qoys ama duruufo nololeed oo qofka ku yimaada sababaha caamka ah waxaa ka mid ah: Tariikh qoys isticmaalk maandooriyaha, duruufo nololeed dhaawac maskaxda soo gaadha hurdo la’aan badan xanuun qofka asiiba Qiyaastii 21% dadka leh dhibaatooyinka isticmaalka maandooriyaha ayaa la kulma niyad jabka daran Niyad jabku wuxuu u kala duwanaan karaa noocyadan iyada oo ku xidhan kala darnaanta calaamadaha qofku qaba Dadka qaar waxay la kulmaan marxalado khafiif ah iyo mid ku meelgaadh ah, halka kuwa kalena ay la kulmaan xaalad kacsanaan daran oo joogto ah Waxaa jira laba nooc oo waaweyn oo diiqad ah waxayna kala yihiin : jahwareerka weyn iyo jahwareerka joogtada ah. Jaahwareerka weyn. Jaahwareerka weyn waa nooca murugada ee aadka u daran. Waxaana lagu gartaa dareenka joogtada ah ee murugada, rajo la’aanta, iyo qiimo darrada uu qofku dareemo laakiin si lagu garto niyad-jabka caafimaad, waa inuu la kulumo qofku 5 ama ka badan astaamaha soo socda muddo 2 toddobaad ah: inaad dareento niyad jab maalinta oo dhan luminta xiisaha howlaha caadiga ah miisaanka oo yaraada ama korodha hurdo aad u badan ama aadan awoodin inaad hurdo seexato fikir gaabis ah ama dhaqdhaqaaqa nololeed daal ama tamar yari maalmo badan Dareemid qiimo la’aan ama dambiilo nimo luminta feejignaanta ama miyir-beelka fikradaha soo noqnoqda ee dhimashada ama isdilka iwm Jaahwareerka joogtada ah. jaahwareerka joogtada ah waxaa loo yaqaanay (dysthymia ) . Waana nooc khafiif ah, laakiin waa nooc daba dheeraada Maxaa lagu garan karaa? Luminta xiisaha howlaha maalinlaha ah ee caadiga ah dareemid rajo la’aan wax soo saar la’aan isku kalsooni la’aan diiqada iyo niyad jabka si guul leh ayaa loo daaweyn karaa, laakiin waxaa muhiim ah in loo dejiyo qorshe daaweyneed oo waxtar leh. W/Q: Cabdiraxmaan Rashiid (Dalmar) Suxufi madax banaan Hargeysa somaliland Email: Cabdiraxmaan800@gmail.com Qaran News Share this post Link to post Share on other sites