Sign in to follow this  
Deeq A.

Webiga Jubba oo ku fatahay qaybo kamid ah Baardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere (SMN) – Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa sheegaya in wabiga Jubba ee mara degmadaasi uu xalay iyo saaka ku fatahay halkaasi,isla markaana uu geystay khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray,dadka,Beeraha iyo Xoolaha.

Daadaku waxa ay la tageen dhammaan waxii dalag ahaa ee u baxaayey beeraleyda,waxaana lagu qiyaasay Beeraha ay waxyeeleeyeen daadadka ilaa 2270 beerood sidaas waxaa Wakaaladda Wararka SONNA  u sheegay Maxamed C/raxiin Matow oo ah gudoomiyaha iskaashatada beeraleyda jubba ee Baardheere.

Waxaana guryahooda ka barakacay dad lagu qiyaasey ilaa 397 qoys oo ku nolaa hareeraha webiga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this