Deeq A. Posted April 23, 2020 Muqdisho (SMN) – Taliyaha Asluubta Soomaaliyeed, Mahad Cabdiraxmaan Aadan, ayaa lagu waramay in uu magacaabis sameeyay maanta. Sareeye Guuto Mahad ayaa la sheegay in uu magacaabay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed qeybta Dowlad Goboleedka Galmudug. Sareeye Guuto Maxamed Sheekh Cumar Xirsiile, taliyihii xabsiga dhexe ee Muqdisho, ayaa la fahansan yahay in xilkaas loo dhiibay. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku mashquulsaneyd in ay qaar kamid ah maamuladda dalka u magacaabato taliyeyaal ciidan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites