Sign in to follow this  
Deeq A.

Dekada Muqdisho oo lagu qabtay kunteenar Qamri ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warbaahinta u soo bandhigay kunteenar ay ku jiraan illaa 500 kartoon oo lagu soo qariyay maandooriyaha Qamriga oo la doonayay in Muqdisho lagu dhex iibiyo

Madaxa waaxda laanta caanshuuraadka booliska, Cabdullaahi Xasan Bariise oo warbaahinta uga warbixiyay qaabka lagu soo qabtay maandooriyahan qamriga, ayaa sheegay in lala xisaabtami doono cid kasta oo ku lug-yeelata qamriga lagu qabtay dekeda Muqdisho

Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada, Cabdullaahi Sheekh Cali oo isna warbaahinta la hadlay, ayaa uga mahad celiyay saraakiishii iyo ciidamadii ku luglahaa soo qabashada qamriga.

Dhinaca kale, Qaad la sheegay in laga soo qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa maanta lagu gubay goob fagaare ah oo ku taala degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir

Taliyaha saldhiga booliska garoonka Aadan Cadde ayaa warbaahinta uga warbixiyay sida lagu soo qabtay qaadka kadibna amar ku bixiyay in la gubo mukhaadaraadkaas.

Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in baaritaan ay ku hayso dadkii lahaa qamriga oo ay sheegtay in sharciga lala tiigsan doono.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this