Sign in to follow this  
Deeq A.

Qoor-qoor oo magacaabay gole wasiiro cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (SMN) – Qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo magacaabayo Golaha Wasiiradda cusub ee Galmudug ayaa laga dareemayaa magaaladda Dhuusamareeb ee xarunta ku meelgaarka maamulkaas.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu waramay in uu waddo latashiyadii ugu dambeeyay ee ku aadan magacaabida.

Golaha Wasiiradda ayaa la sheegay in ay kasoo muuqan doonan siyaasiyiin iyo mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka federaalka ah.

Qoor-qoor ayaa horey u balanqaadey in uu soo dhisi doono gole wasiiro oo tayo leh isla markaana ay kasoo muuqdaan xubno badan.

Sikastaba ha ahaatee, saacadaha soo aadan ayaa la rajeynayaan in lasoo bandhigo liiska Golaha Wasiiradda cusub ee Galmudug.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this