Sign in to follow this  
Deeq A.

Wadahadallo Khadka Telefoonka Oo Dhex-maray FARMAAJO Iyo Erdogaan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka telefoonka kula xidhiidhay dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan waxaanay ka wada hadleen hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalka Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this