Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay in la karantiilay dad looga shakiyay Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimadda Online) – Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ee Puntland ayaa xalay shaaciyay in la karantiilay 7 ruux oo looga shakiyay in ay qabaan cudurka Coronavirus.

Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in bukaannadaas la karantiilay shalay baaritaan laga qaaday islamarkaana sida ugu dhakhsaha badan loo sugayo jawaabta natiijada ka soo baxda baaritaanka si loo xaqiijiyo in ay xanuunka qabaan iyo in kale.

Sidoo kale Guddiga ayaa sheegay in dadkan la geliyay xaalada karantiilka lakala ogaan doono natiijada baaritaanka, haddii ay qabaan cudurkan iyo haddii kale.

Dhinaca kale Guddiga ayaa ugu baaqay dadweynaha reer Puntland in aysan qarsan xanuunka Coronavirus, isla markaana qof walba oo isaga shakiya uu la xiriiro howl-wadeenada caafimaadka, si xaaladiisa loo hubiyo.

Ugu dambeyn Guddiga ayaa soo jeediyay in loo hoggaansamo awaamiirta ku aadan ka hortagga iyo xakameynta cudurka COVID-19.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this