Sign in to follow this  
Deeq A.

Mehradaha Soomaalida Koonfur Afrika oo la weeraray

Recommended Posts

Deeq A.   

Cape Town (SMN) – Dhowr goobo ganacsi oo Soomaalida ku leedahay dalka Koonfur Afrika ayaa lagula kacay boob, sidda ay wararku sheegayaan.

Burcad u dhalatay waddankaas ayaa lagu waramay in ay ka dambeeyeen falkaas isla markaana ay qaateen agabyo kala duwan.

Lama soo warin khasaaro nafeed oo ka dhashay weerarkaas. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan dhacdooyinkaan ooo kasoo baxay laamaha amniga.

Falalkaan ayaa kusoo aadaya xilli Koonfur Afrika ay ku jirto xaalad go’doon ah isla markaana laga cabsi qabo faafitaanka Coronavirus.

Soomaalida ayaa kamid ah ajaaniibta ganacsatadda ah ee ku dhiban Koonfur Afrika maadaama ay si joogto ah ula kulmaan weeraro bilaliqo ah.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this