Deeq A. Posted April 23, 2020 Muqdisho (SMN) – Taliyaha Booliiska Soomaaliya, Cabdi Xasan Maxamed [Xajaar], ayaa ku amray wadayaasha gaadiidka dadweynaha in aysan qaadi karin rakaab badan. Mr Xajaar ayaa tilmaamay in gaadiidleyda looga baahan yahay in hadii ay qaadi jireen 30 hadda ay muhiim tahay in ay qaadaan 15 qof. Talaabadaan ayuu ka dhawaajiyey in ay qeyb ka tahay dedaalada lagu xakameynayo faafitaanka fayruska dilaaga ah ee Corona. Hadalkaan ayuu taliyaha ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaala madaxda waddanka ee Muqdisho shalay oo Arbaco ahayd. Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya ayaa gaaraya 286, waxaana aad looga cabsi qabaa in ay intaas kasii bataan maadaama shacabka aysan u hogaansamin talooyinka caafimaad. View the full article Share this post Link to post Share on other sites