Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ka Tirsanaa Golaha Shacabka oo Geeriyooday iyo Guddoomiye Mursal oo Ka Tacsiyadeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee waxaa dalka Jabuuti ku geeriyooday xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye oo ka mid ahaa mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya sida uu xaqiijiyay guddoomiyaha golahaasi Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan

Marxuumka ayaa la tilmaamay in maalmihii dambe uu ku xanuunsanayay gudaha jamhuuriyadda Jabuuti, waxaana geerida xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye ka tacsiyadeeyay guddoomiyaha golaha shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

“Innaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun Illaahey ha u naxriisto Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeyeh mudooyinkii dambe ayuu ku xanuunsanaa Dalka Jabuuti waxa uuna ku geeriyooday Dalkaasi jabuuti Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayuu ka tirsanaa rabi naxriistii jano haka waraabiyo Anaga iyo ehelkiisana samir iyo iimaan illaahey ha inaga wada siiyo” ayuu yiri Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Waa xildhibaankii labaad uu todobaad gudihiis ka geeriyooda golaha shacabka iyada oo 18-kii bishaan uu magaalada Muqdisho ku geeriyooday Allaha u naxariistee xildhibaan Aadan Xasan Cali “Jamhuuriya”.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this