Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Booliska oo amaro kusoo rogay Gaadiidka Dadweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federalka Somaliya ayaa waxa ay digniin adag u direen gaadiidka dadweynaha ee ka dhex shaqeeya Muqdisho gudaheeda.

Iyadoo ay jirto xaaladda ka hortagga faafitaanka Coronavirus, islamarkaana si wayn looga feejigan yahay xanuunkaan, ayaa digniintaan soo baxday.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa wuxuu sheegay inuu kaga digaayo wadayaasha gaadiidka dadweynaha inay qaadaan dad aad u fara badan.

Waxa uu ku sheegay sababta inay tahay, iyadoo laga feejigan yahay faafitaanka Caabuqa Coronavirus, islamarkaana loo baahan yahay wadayaasha gaadiidka dadweynaha inay qaadaan tiro ka yar intii hore ee ay qaadi jireen.

Taliyaha Booliska ayaa sidoo kale sheegay haddii awaamiirtaasi ay fulin waayaan wadayaasha gaadiidka dadweynaha dowladda inay ka qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan.

Maalmahan dambe waxaa sii kordhaya awaamiirta kala duwan ee ku saabsan in laga hortagga Coronavirus, islamarkaana ay soo saareyso dowladda Federalka Somaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this