Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Fiqi iyo Saabir oo kasoo muuqan doono liiska Wasiirada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ku dhawaaqo liiska Golaha Wasiirada Maamulkaas oo ay kasoo muuqan doonaan xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Shabakadda Caasimadda Online ayaa sheegaya in  liiska Wasiirada Galmudug ay kasoo muuqan doonaan  Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdi Saabir Nuur Shuuriye oo ka mid ahaa xildhibaannadii mucaaradka ee Baarlamaanka Federaalka.

Sida aan xogta ku helnay Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa loo magacaabi doonaa wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, waxaana xusid mudan in Axmed Macalin Fiqi uu horey usoo noqday Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka.

Dhanka kale  Xildhibaan Cabdi Saabir ayaa la filayaa in isna loo magacaabi doono Wasiirka Dekedaha iyo Kheyraadka dowlad goboleedka Galmudug, isagoo qeyb weyn ka qaadan doono dhimsha Dekadda Hobyo oo muhiim u ah Maamulkaas.

Xildhibaanada Mucaaradka  ayaa la rumeysan yahay inay xiriir dhow la leeyihiin Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor oo la sheego inuu yahay madaxweyne fikir ahaan ka madax banaan maamulka Nabad iyo Nolol oo ka shaqeeyey inuu xilkaas qabto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this