Deeq A. Posted April 23, 2020 Muqdisho (SMN) – Degmooyinka kala ah; Wadajir iyo Dharkenley ayaa la filayaa in ay caawa daahfuraan tartan aqooneedka bisha Ramadan ee Shabakada Warbaahinta Shabelle. Labadan degmo ee ka tirsan gobolka Banaadir ayaa isku beegmay kadib isku aadkii shalay lagu sameeyay xarunta ee SMN ee magaaladda Muqdisho. Xubnaha labada degmo ayaa diyaar-garowgii ugu dambeeyay ku jira, iyaddoo mid walba ay dooneyso in ay guusha dhankeeda marto. Tartan aqooneed oo si toos ah looga baahin doono Raadiyaha iyo Telefishinka Shabelle waxaa sanadkan ka qeybgalaya degmooyinka Banaadir iyo qaar kale oo gobolada dalka ah. Shabakadda Wabaahinta Shabelle ayaa ah warbaahintii ugu horeysay ee geyiga Soomaaliya ka bilowday tartan noocaan ah, waxaana uga daysaday saxaafadda gudaha iyo dibadda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites