Deeq A. Posted April 23, 2020 Muqdisho (SMN) – Qaar kamid ah nabadoonada Soomaaliyeed ayaa ka hor-yimid go’aanka ay Dowladda kusoo horumarisay bandowga habeenkii ee Muqdisho. Caaqil Warsame ayaa adkeeyay ahmiyadda ay leedahay in bandowga wax laga bedelo si dadka fursad ugu helaan in ay soo adeegtaan habeenkii. Nabadoon Xasan Kacaan ayaa tilmaamay in Muslimiinta uu dhaqdhaqaaqooda badan yahay habeenkii inta lagu guda jiro bisha Ramadaan. Dowladda ayuu ku booriyey in ay bandowga gaarsiiso illaa iyo saddexda habeenimo si loo oogo Salaada Taraawiixda iyo cibaadooyinka kale. Hadalka nabadoonada ayaa kusoo aadaya xilli taliska Booliska uu ku dhawaaqay in bandowga uu bilaaban doono inta Soonka lagu jira kowda fiidnimo ama hal saac. View the full article Share this post Link to post Share on other sites