Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo sheegtay inaysan soo gaarin lacagtii ay DF u fasaxday Maamul Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Caasimadda Online) – Maamulka Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagta ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inay u fasaxday Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Puntland ayaa sheegtay inaysan weli soo gaarin lacagta ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inay siisay maamul Goboleedyada.

Lacagta ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inay u fasaxday maamul Goboleedyada ayaa ah min Hal Malyan oo Dollar, mana jiro illaa hadda hal maamul Goboleed oo xaqiijiyey helista lacagtaas.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Yuusuf Xaaji Xirsi oo xalay u hadlay guddiga Puntland u qaabilsan COVID-19 ayaa caddeeyay in aysan jirin wax lacag ah oo uga timid dowladda Soomaaliya.

Wasiirka oo Warbaahintu weydiisay in ay Puntland soo gaartay Lacagtii Federaalku sheegay in loo fasaxay dowlad goboleedyada? ayaa ku jawaabay in Lacagtaas aysan Puntland weli ka helin dowladda dhexe.

Maamulka Jubbaland ayaa horey u sheegtay inay waxba kasoo gaarin lacagta ay Dowladda Soomaaliya sheegtay inay u fasaxday Maamul Goboleedyada, waxayna Puntland noqoneysaa maamulkii labaad oo si cad u sheega inaysan waxba ka helin lacagtaas.

Soomaaliya oo ah dal soo koraya ayaa waxaa fara ba’an ku haya Covid-19, waxaana laga xaqiijiyey kiisas ku dhow illaa 300 oo qof oo badi ku sugan magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this