Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Soomaaliya oo ku geeriyooday Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

XIldhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye oo ka tirsanaa Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa la xaqiijiyay in uu ku geeriyooday dalka Jabuuti halkaas oo uu muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey.

Geerida Marxuumka waxaa xaqiijiyay Guddoomiyaha Baarlamanka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan isaga oo tacsi u diray Qoyskii iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday xildhibaankaas.

 “Innaa lillaah wa innaa Illeehi raajicuun Illaahey ha u naxriisto Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeyeh mudooyinkii dambe ayuu ku xanuunsanaa Dalka Jabuuti waxa uuna ku geeriyooday Dalkaasi jabuuti” ayuu yiri Guddoomiyaha.

 “Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayuu ka tirsanaa rabi naxriistii jano haka waraabiyo Anaga iyo ehelkiisana samir iyo iimaan illaahey ha inaga wada siiyo.”

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Soomaaliya oo ku geeriyooday Jabuuti appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this