Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsanaa BF Soomaaliya oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee waxaa xalay dalka Jabuuti ku geeriyooday Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caateeye oo ka tirsan xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Marxuumka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayey dalkaas Jabuuti, sida ay Caasimada Online u sheegeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka.

Madaxda dowladda federaalka ayaa ka tacsiyadeeyey geerida marxuumka, sida Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, guddoomiyeyaasha laba gole ee baarlamaanka federaalka, xildhibaanno iyo siyaasiyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo ka mid ah mas’uuliyiinta ka tacsiyadeeyay geerida Ex Xildhibaan Cabdiraxmaan Caateeye ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu tacsi ugu diray ehellada iyo guud ahaan Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay xildhibaan Cabdirahman Maxamuud Caateeye. Marxuumka waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa janno ka waraabiyo, eheladiisana uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu qoraalkiisa ku yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo marxuumku uu ka tirsanaa ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geeridiisa.

Xildhibaan Cabdirahmaan ayaa noqday xildhibaankii labaad oo toddobaadkan gudihiisa ka geeriyooday golaha shacabka, waxaana ka horeeyey Xildhibaan Aadan Jamhuuriya oo mudo uu xanuunsanaa kadib Sabtidii toddobaadkan ku geeriyooday Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this