Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo caawa dhiggiisa Turkiga Erdogaan kala hadlay arrimo taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-War kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in caawa ay khadka taleefanka ku wada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Turkiga Rajab Dayib Erdogaan.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladaha cudurka Coronavirus iyo is kaashiga labada dale e Soomaaliya iyo Turkiga.

“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka ay ku wada xiriireen dhiggiisa Dalka Turkiga Mudane Rajab Dayib Erdogaan ayaa ka wada hadlay hannaanka iskaashiga labada dal ee xakameynta iyo ka hortagga cudurka COVID-19 oo ah aafo caalami ah”ayaa lagu yiri warkan oo goor dhaw kasoo baxay Villa Somalia.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu dowladda Turkiga uga mahad celiyey garab istaagooda joogtada ah, weliba xilliyada adag.

“Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahad-celiyey shacabka iyo Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xilligan oo halis caafimaad oo xooggan ay ku xeeran tahay dalkeenna”ayaa lagu yiri qoraalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this