Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma run baa, mase been warqada muranka dhalisay ee lagu faafiyey baraha bulshada?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15875809795532028.jpg?w=1000&ssl=Warqada lagu faafiyey baraha bushada

Mas’uul ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka hadlay warar laga faafiyey barnaamijka Baxnaano ee dhawaan ku dhawaaqday dowladda Federaalka Somaaliya.

Ku xigeenka Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xaashi ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku beeniyey warqad maalmihii la soo dhaafay lagu faafiyey baraha bulshada, sidoo kale wuxuu xusay in aysan jirin dukumeenti rasmi ah oo ka soo baxay DFS oo deegaannada SSC lagu tilmaamay in uu yahay dhul lagu muransanyahay.

“Ma jiro dukumeenti rasmi ah oo ka soo baxay DFS oo deegaannada SSC lagu tilmaamay in uu yahay dhul lagu muransanyahay (Disputed area). Waa been abuur aan sal iyo raad toonna lahayn xaashiyaha Baraha Bulshada dhexmarayaa”. ayaa ku yiri qoraalka Agaasime Cabdirashiid Maxamed Xaashi.

20200422_225759.jpg?w=1000&ssl=1

Somaliland ayaa qoraal ay soo saartay uga hadashay warqada lagu baahiyey baraha bulshada, waxayna eedeyn u jeedisay dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kale dad rumeystay warqadaas ayaa baraha bulshada aad uga dhaleeceeyey dowladda Soomaaliya.

FB_IMG_1587580528511.jpg?w=1000&ssl=1

Barnaamijka Baxnaano oo maalmo ka hor uu daah-furay Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in taakuleyn dhaqaale lagu siinayo 1.3 Malyan oo danyar Soomaaliyeed ah, kuwaas oo bishiiba ay ku baxayso 4 malyan oo doolar.

Barnaamijka waxaa la tilmaamay ina laga hirgalin doono 21 degmo oo ka tirsan gobolada dalka.

PUNTLAND POST

The post Ma run baa, mase been warqada muranka dhalisay ee lagu faafiyey baraha bulshada? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this