Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabuuti: 5 Qof Oo Ku Dhintay Daadad Ka Dhashay Roobab Laxaadle

Recommended Posts

Deeq A.   

Inta la ogyahay Shan Qof ayaa ku Geeriyooday Roobab waaweyn oo Shalay ka da’ay Magaalada Jabuuti ee Caasimadda Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

Shanta Qof ee geeriyooday ayaa saddex ka mid ah Meydkooda la helay oo la aasay, halka laba Dumar ahna uu Daadku qaaday oo Meydadkooda la waayay, sida ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-du.

Saddexda Qof ee la aasay Meydadkooda ayaa laba Dumar ahaayeen, halka midna ka ahaa Wiil.

Dhibaatadan ayaa ka dhacday Xaafadda Belbela ee Duleedka Magaalada Jabuuti.

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Jabuuti,  Muumin Axmed Sheekh oo booqday Xaafadda Masiibadani ka dhacday ayaa Shacabka u sheegay inay garab taagan yihiin, isagoo sidoo kalena u Tacsiyadeeyay Ehellada Shanta Qof ee ku dhintay Daadadka ka dhashay Roobka ka da’ay Jabuuti.

Daadadka ka dhashay Roobka ayaa sidoo kale burburiyey dhismayaal badan oo Xaafadda Belbela ka mid ah, halka Xaafado kale oo Jabuuti ahna ay khatar geliyeen

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this