Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Koonfur Galbeed oo shaaciyey arrinta lagu haysto weriyaha VOA Mukhtaar Catoosh

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhaba (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka warbixiyey xarigga Weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh, oo ka tirsan Idaacadda VOA, kaas oo maalin ka hor lagu xiray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Bay.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan Cabdi Maxamed, oo faahfaahin ka bixiyey xarigga Weriye Mukhtaar, ayaa sheegay in Catoosh loo heysto warbixin “been buur ah” uu u diray VOA.

Wasiirka ayaa sheegay in warka loo heysto Weriye Mukhtaar uu ku saabsanaa kufsi ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose oo loo geystay gabdho sida la sheegay lagala degay gaari kasoo baxay Muqdisho, kuna socday Baydhaba oo xarun ku meel gaar ah u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Ugaas Xasan oo shir jaraa’id ku qabtay Baydhaba ayaa sheegay inay daawadeen warbixinta wariyaha uu gudbiyey oo muuqaal aheyd, intaasi kadibna ay raadiyeen waxa ka jira dhacdadaas, balse  ay ogaadeen in uusan jirin kufsi ka dhacay inta u dhaxeysa Walanweyn iyo Leego oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka ayaa sheegay in shalay maxkamad ku taalla magaalada Baydhaba la hor geeyey Weriyaha, isla markaana uu hadda ku xiranyahay xabsi ku yaalla magaalada, isagoo balan qaaday inay ku dadaalayaan sidii Weriye Mukhtaar uu u heli lahaa cadaalad, sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka waxa uu intaas ku daray in Catoosh aan loo xirin arrimo siyaasadeed, sida dadka qaar ay u dhigeen, buu yiri.

Maamulka Koofur Galbeed ee uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa lagu eedeeyaa in uu caburiyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan iyo wariyayaasha ka howlgala deegaanada maamulkaasi.

Hoos ka daawo shirka Jaraa’id 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this