Deeq A. Posted April 22, 2020 Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee Kuumaandooska Soomaaliya ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada oo qaaday howlgal qorsheysan ayaa gacanta ku dhigay deegaanada Dhanaane, Gandarshe iyo Jilib Marko oo ku yaalla dhinaca xeebta. Taliyaha guutada 16-aad ee ciidamada Danab, Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay inay si nabdoon kula wareegeen deegaanadaaasi oo ay horay ugu sugnaayeen dagaalyahanada Al-Shabaab. Sidoo kale taliyaha ayaa carabka ku dhuftay inay sii wadi doonaan howlgallada ka socda gobolka Sh/Hoos ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi. Maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada milatari ee ka socda koonfurta iyo bartamaha wadanka Soomaaliya, iyaga oo deegaano hor leh kala wareegay dagaalyahanada Al-Shabaab. Halkaan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites