Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Dowladda Soomaaliya oo Amarro Dul Dhigtay Masaajidda

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda diinta iyo awqaafta xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa amarro lagu dul dhigay masaajidda lagu oogo salaadda si looga hortago xanuunka COVID-19.

Wasaaradda ayaa fartay culumada masaajidda inay badiyaan Alle bariga, quraan akhriska iyo in dhamaan masaajidda lagu qunuudo shanta salaadood.

Sidoo kale waxaa loogu baaqay qofkii isaga shakiya Coronavirus in uusan tagin masaajidda haddii uu tagana ay noqonaysa xaaraan, waxaana dadka nugul ee qaba cudurada daaha la faray inay guryahooda ku dukadaan.

Dadka haya masuuliyadda masaajidda waxaa iyagana loo jeediyay inay sio joogta ah uga shaqeeyaan nadaafadda masaajidda islamarkaana dadka ay guryahooda ka soo weysa qaataan.

Halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka wasaaradda

FB_IMG_1587538517406.jpg

FB_IMG_1587539427107.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this