Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada DANAB oo la wareegay deegaano cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 16-aad ee Danab ayaa la wareegay deegaano ku yaalla dhanka xeebta ee gobolka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay saaka ku qaadeen howlgal qorsheysnaa.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab, Gaashaanle Ismaciil Cabdi Maalik oo u warramaya Idaacada Codka Ciidamada ayaa sheegay inay gaareen deegaanada Dhanaane, Gandarshe iyo Jilib Marko oo ay horay ugu sunaayeen kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ayaa tilmaamay in ay si nabadoon ku qabsadeen deegaanadaasi, kadib markii ay isaga baxeen dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah laga dareemayo halkaasi iyo sidoo kale dhaq dhaqaaqyo u dhexeeya labada dhinac.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada Xoogga iyo kuwa Midowga Afrika AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada iyo dhaq dhaqaaqyada milatari ee ka socda K/Soomaaliya.

33-2.jpg 1-2.jpg 2-2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this