Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo gubtay Kalluun fara badan oo laga qaaday Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa gacanta ku dhigay, islamarkaana gubay shixnad Kalluun ah oo iib ahaan looga qaaday Soomaaliya.

Kalluunkaan oo ka koobnaa illaa 12 tone ayey laamaha amniga Kenya waxa ay shaaciyeen in si sharci darro ah looga soo safriyey magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo ee Soomaaliya, islamnarkaana lagu qabtay gobolka xeebta ee Lamu.

Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay kalluunkaan oo ku jiray 761 kiish lagu qiimeeyey  lacag dhan Sh5 million oo ah lacagta Kenya ah.

Hay’adaha amniga ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay illaa 7 ruux oo waday Kalluunkaasi, kuwaas oo dhowaan la soo taagi doono maxkamad.

Kalluunka oo ahaa mid qalalan ayaa lagu gubay fagaare ku yaalla deegaanka Hindi ee duleedka Lamu, waxaana goobjoog ahaa taliyaha Boliiska gobalkaasi iyo saraakiil kale.

Arrintaan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dowladda Soomaaliya ay joojisay Qaadkii faraha badnaa ee maalin weliba laga keeni jiray dalka Kenya, sababo la xariira Coronavirus.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this