Sign in to follow this  
Deeq A.

XF Soomaaliya oo soo saartay 24 qodob oo ku socda Masaajidda ku yalla dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online ) – Wasaaradda awqaafta iyo arimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed ka kooban illaa 24 qodob ku socda dhammaan Masaajidda dalka, lana xiriiro cudurka faafa ee Coronavirus.

Qoraalka wasaaradda ayaa waxaa talooyin muhiim ah loogu jeediyey Imaamyada Masaajidda iyo dadka ku tukanaya ama ku cibaadeysanaya.

Qodobada ayaa waxaa ugu muhiimsan in Masaajida loogu deeqo qalabka lagu baaro heer kulka qandhada qofka, lana baaro dadka galaya, in la badiyo Qur’aan aqriska, in qofka Muslimka ah uu ku tukan karo gurigiisa marxaladaan oo kale.

Sidoo kale wasaarada ayaa shaacisay inay xaaran tahay in qof qaba cudurka ama isaga shakiyey inuu tago Masjidka.

Ugu dambeyn Wasaaradda awqaafta iyo arimaha Diinta  ayaa martay in la xero goobaha weysaqaadka iyo musqulaha ama suuliyada.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay u soo saartay go’aano adag oo lagu xakameynayo faafitaan cudurka Coronavirus, iyadoo mamnuucay isu imaatika dadka.

Halkaan hoose ka aqriso qodobada oo dhameystiran:-

11-1.jpg 22-1.jpg33-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this