Deeq A. Posted April 22, 2020 Guddiga ka hortagga Coronavirus ee Puntland ayaa shaaciyey in qof looga shakisnaa cudurka, islamarkaana ku jiray karantiil uu ku dhintay deegaanada maamulkasi. Qoraal ka soo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in qofkaasi uu geeriyooday, inta aysan soo bixin jawaabta baaritaanka lagu sameeyey. Sidoo kale guddiga ayaa tilmaamay in 9 qof oo kale la karantiilay, kuwaas oo lagu sameyn baaritaano dheeraad ah. Tirada dadka uu soo ritay cudurka Covid-19 ee Soomaaliya ayaa sii kordheyso marba marka ka dambeysa, iyadoona haatan kiisaska ay gaarayaan ku dhowaad 300 oo ruux. Halkaan hoose ka aqriso:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites