Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Goodax Barre oo si adag uga hadlay xiisada Puntland iyo HirShabelle

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Soomaaliya, Cabdullaahi Goodax Barre oo war qoraal ah soo saaray ayaa ka hadlay xiisada ganacsi ee u dhexeysa maamul goboleedyada Puntland iyo HirShabelle.

Goodax Barre ayaa ugu horreyn shaaca ka qaaday in tallaabada ay qaaday Puntland ka dhalan karto cunaqabateUn dhaqaale oo ay isku rogaan gobollada dalka, taas oo uu carabka ku dhuftay inay saameyn karto nolosha muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ka dalbaday in Puntland ay dib uga fiirsato go’aankaasi, inta ganacsatada reer Hiiraan aysan sahansan ilo kale, sidoo kalena maamulka gobolka Hiiraan uusan dul-dhigin cunaqabateyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Talaabadan Puntland qaaday waxaa ka dhalankara cunaqabateen dhaqaale ee Goboladu isku soo rogaan, taas oo ugu dambayntii cuuryaamin doonta nolosha muwaadiniinta, haba ugu darnaato deegaanada Puntland iyo Dowlad Goboleedka Puntland, Waxaa ila haboon in dowladda Puntland ay dib uga fiirsato, inta ganacsatada reer Hiiraan aysan sahansan ila kale iyo inta Maamulka Hiiraan aysan duldhigin cunaqabateen dhaqaale.” ayuu yiri wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay HirShabelle ay si weyn uga hortimid hadalkii Madaxweynaha Puntland ee ahaa in ganacsatada maamulkaasi aysan raashin ama badeeco geyn karin deegaanada kale, sida maamullada Galmudug iyo HirShabelle.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Mudane Cali Jeyte Cismaan oo tallaabadaas ka hadlay ayaana ku goodiyey inay canshuurta ku kordhin xoolaha iyo Khudaarta laga qaado gobolkiisa ee la geeyo deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this