Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump Oo Hakiyay Aqoonsiga Deganaashaha Ee Green Card

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Madaxweyne Donald Trump ayaa salaasadii shalay ku dhawaaqay in maamulkiisa uu si ku meel gaadh ah, muddo 60 maalmood ah uu u joojinayo, soo saarista aqoonsiga Green Card-ka loo yaqaano ee la siiyo dadka loo ogolaado inay ku noolaadaan Mareykanka.

Go’aankaan ayaa inay Mareykanka soo galaan ka hor-istaagi doona, tobnaan kun oo qof oo qorshuhu ahaa inay so dagaan Mareykanka. Hase yeeshee, waxa aanu saameyn doonin shaqaalaha la shaqeeya wax soo saarka beeraha.

Trump ayaa sheegay inay khalad iyo caddaalad-darro ku tahay dadka shaqooyinkooda ku waayay cudurka COVID-19, inay baddalaan shaqaalo soo galooti cusub ah oo Mareykanka yimaada.

Waxaa kale oo uu sheegay in mudadda gaaban ee hakadka la geliyay Green Card-ka uu xal iyo dhowrsanaan u noqon doono, nidaamka caafimaadka waddanka oo hadda uu aad uga tan badiyay cudurka Caronavirus.
Madaxweyne Tump wuxuu sheegay in uu filayo in sharcigan uu saxeexi doono Arbacada maanta ah.

Dadka dhaliila siyaasaddiisa ayaa sheegaya, in sababta uu madaxweynaha u hakiyay soo saarista Green Card-ka ay tahay, inuu mar kale uusoo jiito taageerayaashiisa, xilli ay kusoo wajahantahay doorashada madaxtinimada ee dalkaan ka dhici doonta bisha November.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this