Sign in to follow this  
Deeq A.

Dalxa oo shaaciyey arrin ay ka gaabisay DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah mudanayaasha golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda federaalka ay ka gaabisay dhismaha maxkamad Dastuuri ah, xilli la qorsheynayo inay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Dalxa oo u warramayey Shabelle ayaa sheegay in loo baahnaa in xilli la hirgeliyo maxkamaddaasi, si haddii ay u yimaadaan murano ku aadan doorashada ay u xaliso.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan suuragal aheyn inay dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, iyadoo aan la dhisin maxkamadda Dastuuriga ah, sida uu hadalka u dhigay.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2020/04/Dalxa.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this